Guddoomiyaha Guddiga Nabadda Qaranka oo Shaaciyey Sii Daynta iyo Is-dhaafsiga Maxaabiis Muddo Xidhnaa

Friday June 19, 2026 - 15:41:44
hadhwanaagnews
Maxaabiis La Is Weydaarsaday



Guddoomiyaha Guddiga Nabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in lagu guulaystay sii deynta iyo is-dhaafsiga maxaabiis aan lagu qaban dagaal, kuwaas oo muddo ku kala xidhnaa magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood.

 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in hawshan oo socotay muddo ku dhow lix bilood ay si wadajir ah uga shaqeeyeen masuuliyiinta Dawlad Deegaanka Soomaalida, guddiyo uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye iyo dhinacyo kale oo ka qayb qaatay dedaallada nabadda.

 

Maxaabiis La Is Weydaarsaday

 

Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in lix maxbuus oo laga sii daayey Hargeysa la gaadhsiiyey magaalada Buuhoodle, halkaas oo lagu wareejiyey guddi duub-dhaqameed uu hormuud u yahay Garaad Kulmiye.

 

Dhanka kale, toddoba maxbuus oo ku xidhnaa Laascaanood ayaa lagu wareejiyey Guddida Nabadda Qaranka Somaliland.

 

"Sii Dayntu Waa Inaan Shuruud Lagu Xidhin”

 

Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in mowqifka Guddida Nabadda Qaranku yahay in maxaabiista la sii daayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxaannu qabnaa in maxaabiista la sii daayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin, xagayagana ma jiro wax shuruud ah oo aanu ku xidhayno.”

 

Mahadnaq iyo Baaq Nabadeed

 

Cabdiqaadir Jirde ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, masuuliyiinta nabadgelyada iyo odayaasha dhaqanka doorkii ay ka qaateen fududeynta sii deynta maxaabiistan.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay inay weli jiraan maxaabiis dagaal oo labada dhinac ku kala xidhan, isaga oo ku baaqay in dhammaantood xorriyadooda dib loogu soo celiyo iyada oo aan lagu xidhin wax shuruud ah.

 

Dadaallada Nabadda oo Sii Socda

 

Guddoomiyaha Guddida Nabadda Qaranka ayaa sheegay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda, kalsoonida iyo dib-u-heshiisiinta, isaga oo rajo ka muujiyey in mustaqbalka dhow la gaadhi doono horumar dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha maxaabiista iyo nabadaynta guud.

     
Loading...