hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Guddoomiyaha Guddiga Culimada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland, Sheekh Muuse Jaamac, ayaa sheegay in Somaliland ay midaysan tahay, isaga oo sheegay in culimada Somaliland ay garab taagan yihiin tallaabooyinka ay Xukuumaddu waddo.
Sheekh Muuse Jaamac ayaa sheegay in culimadu ay masuuliyad ka saaran tahay arrimaha diinta, isla markaana ay taageersan yihiin hawlaha Xukuumadda, isaga oo bogaadiyey dadaallada socda.
Sheekha ayaa farriin u diray cidda uu ku tilmaamay cadowga Somaliland, isaga oo adkeeyey midnimada bulshada.
Waxa uu yidhi:
"Cadowgeena meelahaa ka hadla farriin baan u dirayaa, annaga oo darajadii Diinta xambaarsan, waxaan leenahay Somaliland waa ul iyo diirkeed. Annaga ayaa u culimo ah, arrimaha diintana u hayna, wixii ay wadaan waan ku raacsannahay.”
Guddoomiyaha Guddiga Culimada Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ayaa sidoo kale sheegay in culimadu ay sii wadi doonaan kaalintooda ku aaddan arrimaha diinta iyo bulshada.