Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Ka Hadlay Waftiyada Nabadda ee Diridhaba iyo Ceerigaabo

Saturday September 05, 2026 - 13:44:45
hadhwanaagnews
Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa sidoo kale xildhibaanada Golaha Guurtida



Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa si faahfaahsan uga hadlay dadaallada nabadeed ee Golaha Guurtidu ka wado magaalooyinka Diridhaba iyo Ceerigaabo, isagoo sheegay in guddiyadii loo xil-saaray hawlaha nabadayntu ay si wanaagsan u wadaan shaqadooda.

 

Guddoomiyaha ayaa bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan dadaallada nabadeed ee Golaha Guurtida, isaga oo xusay in xoojinta nabadda, amniga iyo xasilloonidu ay tahay masuuliyad wada saaran dhammaan bulshada.

 

Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa sidoo kale xildhibaanada Golaha Guurtida ugu baaqay inay ilaaliyaan wakhtiga iyo nidaamka shaqo ee Golaha, kadib markii uu dib u dhacay furitaanka fadhiga saaka, iyadoo la sugayay in uu buuxsamo kooramka Golaha.

 

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyey xaaladda abaareed ee dalka, isagoo ku baaqay in si wadajir ah looga hawlgalo gurmadka iyo taageerada dadka iyo xoolaha ay abaartu saamaysay.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa soo dhaweeyey oo taageeray dadaallada Golaha ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobollada Awdal, Selel iyo Sanaag, iyagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga iyo wada noolaanshaha bulshada.

 

Guddoomiye Muuse ayaa farriin ku aaddan muhiimadda amniga u diray bulshada, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana qof kasta uu qaato masuuliyadda kaga aaddan amniga dalka.

 

Waxa uu tilmaamay in xildhibaan kasta oo Golaha Guurtida ka tirsan uu door muhiim ah ku leeyahay nabadaynta iyo matalaadda bulshada, isagoo ugu baaqay xildhibaanada inay si buuxda uga qayb qaataan doodaha ku saabsan xaaladda amni, nabadda iyo arrimaha kale ee taagan.

 

Dadaalladan ayaa qayb ka ah doorka Golaha Guurtida Somaliland ee ku aaddan nabadaynta, xasilinta bulshada iyo xal u helidda khilaafaadka iyo caqabadaha amni ee ka jira deegaannada kala duwan ee Somaliland.

     
Loading...