Hargeysa (Hadhwanaagnews) – Guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex, Axmed Maxamed Cadaad, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Cuna-qabad oo dhaca koonfur-galbeed magaalada Hargeysa, halkaas oo uu u kuurgalay xaaladda nololeed ee bulshada, saamaynta abaarta iyo arrimaha amniga deegaanka.
Guddoomiyaha oo uu socdaalka ku wehelinayey la-taliyaha amniga gobolka, Xuseen Sheekh Cabdalle Yuusuf, ayaa kulamo la qaatay madax-dhaqameedka, dhallinyarada iyo waxgaradka deegaanka, isaga oo ka dhegaystay warbixinno la xidhiidha duruufaha nololeed ee ka jira Cuna-qabad.
Waxgaradka deegaanka ayaa guddoomiyaha u sheegay in abaar muddo laba sannadood ah ka jirtay deegaanka ay saamayn xooggan ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha, taas oo sababtay in dad badan ay ka hayaamaan deegaannadii ay ku noolaayeen.
Dhinaca kale, kulammada ayaa lagu soo qaaday muran muddo soo jiitamayey oo la xidhiidha lahaanshaha dhul ku yaalla deegaanka Cuna-qabad.
Guddoomiye Axmed Maxamed Cadaad oo ay weheliyaan waxgaradka deegaanka ayaa kormeeray goobaha dhulka ee lagu muransan yahay, isaga oo go’aamiyey in dhinacyada uu khilaafku ka dhexeeyo ay kulan dambe ku yeeshaan xafiiskiisa, si looga wada hadlo sidii xal looga gaadhi lahaa murankaasi.
Kormeerkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta, duruufaha nololeed ee bulshada iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dhulka ee ka taagan deegaanka Cuna-qabad.