hadhwanaagnews
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah xeryaha Ciidanka Qaranka ee magaalada Burco, gaar ahaan Taliska Qaybta 12-aad, isagoo u kuurgalay xaaladda ciidamada iyo hawlaha ay u xilsaaran yihiin.
Taliyaha ayaa kulan la yeeshay saraakiisha Taliska Qaybta 12-aad, waxaana uu ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee taliska, hawlaha ciidanka iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.
Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa sidoo kale booqday Cusbitaalka Ciidanka Qaranka ee Burco, halkaas oo uu indho-indheeyey qaybaha kala duwan ee cusbitaalka iyo adeegyada caafimaad ee ay helaan ciidamada.
Taliyaha ayaa sheegay in Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ay ka go’an tahay horumarinta iyo tayaynta adeegyada caafimaad ee ciidamada, si loo xaqiijiyo in askartu helaan adeegyo caafimaad oo hufan oo daboolaya baahiyahooda.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa kulan la yeeshay Guddida Nabadgelyada Gobolka Togdheer, waxaana kulanka lagaga wada hadlay xoojinta nabadgelyada gobolka iyo sidii loo sii adkayn lahaa wada-shaqaynta Ciidanka Qaranka iyo hay’adaha kale ee amniga.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah hawlaha Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ku qiimaynayo xaaladda ciidanka, tayaynta adeegyada ay helaan iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga ee gobollada dalka.