Xil-wareejinta Guddoomiyaha Gobolka Awdal Oo Lagu Qabtay Boorama

Monday September 07, 2026 - 14:56:26
hadhwanaagnews
Munaasibadda ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha



Boorama – Munaasibadda xil-wareejinta Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, iyo Guddoomiyaha cusub ee gobolka, Xasan Daahir Xaddi, ayaa lagu qabtay magaalada Boorama.

 

Munaasibadda ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, maamulka Gobolka Awdal iyo kan degmada Boorama, iyo masuuliyiin iyo mudanayaal kale.

 

Xilka ayaa si rasmi ah loogu kala wareejiyey Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Awdal, Xasan Daahir Xaddi, oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Somaliland.

 

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa xilka si rasmi ah ugu kala wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, iyadoo maamulka cusub loo rajeeyey inuu sii wado hawlaha maamulka iyo adeegyada bulshada ee Gobolka Awdal.

     
Loading...