Ugu Yaraan 17 Qof Oo Lagu Dilay Rasaas Ka Dhacday Goob Lagu Caweeyo Oo Ku Taalla Koonfur Afrika

Sunday September 27, 2026 - 12:19:43
hadhwanaagnews
Booliiska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka



Johannesburg — Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay in ugu yaraan 17 qof ay dhinteen, 15 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii rasaas laga furay goob lagu caweeyo oo ku taalla deegaanka Wedela ee gobolka Gauteng.

 

Kooxaha gurmadka caafimaadka ee xaaladaha degdegga ah ayaa xaqiijiyay geerida 17-ka qof goobta ay dhacdadu ka dhacday, taas oo ku taalla koonfur-galbeed magaalada Johannesburg.

 

Booliiska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee ku dhow goobta, halka ciidamada ammaanku ay bilaabeen baadhitaan ku saabsan sababta iyo cidda ka dambaysay weerarka.

 

Ilaa hadda lama xaqiijin sababta rasmiga ah ee keentay rasaasta, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo faahfaahinta dhacdada iyo cidda masuuliyadda ka dambaysa.

 

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay inay baadi-goobayaan siddeed qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka, kuwaas oo la sheegay inay hubaysnaayeen qoryaha AK-47 iyo bastoolado.

 

Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ka mid ah weerarrada hubaysan ee ka dhaca goobaha lagu caweeyo ee Koonfur Afrika, iyadoo laamaha ammaanku ay wadaan hawlgallo lagu baadi-goobayo dadka looga shakisan yahay falkan.

     
Loading...