hadhwanaagnews
Sida inta badan shacabka Somaliland ee gudo iyo dibedba joogaa daawadeen toddobaadkii hore, Wasiirka Maaliyaddu wuxu hortagay warbixin ku saabsan wixii u qabsoomayna siiyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani. Halka toddobaadkan gudihiisana ay wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta iyo Ganacsigu si wadajira u hortageen Guddoomiyaha Waddani.Arrintaasi waxay dhalisay hadal hayn badan oo ku saabsan siday isu qabanayaan nidaamka presidential systemka ee somaliland qaadatay iyo in wasiir dawladeed hortago guddoomiyaha xisbiga talada haya.
Dawlad kasta oo dimuqraadi ahi cidda ugu horreysa ee ay accountable u tahay waa shacabka, mid doortay iyo mid aan dooranba. Labada nooc ee nidaamyada dimuqraadiga ee wadamada dunida intooda badani isticmaalaan midkoodna ma qabo in wasiiradu u report gareeyaan xisbiga talada haya lagumana dhaariyo u daacad ahaanshaha xisbiga. Dawladaha isticmaala nidaamka ”parliamentary system”, wasiirada waxa laga soo xulaa xubnaha baarlamaanka u fadhiya xisbiga talada haya, waxayna ku dhaartaan u daacad ahaanshaha dastuurka, shuruucda dalka iyo madaxa qaranka (Head of State). Nidaamkan wasiiradu waxay u report gareeyaan baarlamaanka oo iyaga iyo raiisal wasaaraaha soo magacaabay ba xubno ka yihiin.
Nidaamka labaad ee "presidential system”ka, waa ka ay Somaliland isticmaashe, wuxuu qaybta fulinta ka madaxbanaaneeyaa iyo siyaasadaha xisbiyaysan (party politics) wasiiradana waxa laga soo xulaa baarlamaanka dibediisa. Haddiiba ay dhacdo in xubin baarlamanka ka tirsan looga maarmi waayo wasiirnimo, waxa waajiba in xubintaasi marka hore iska casisho baarlamanka.
Madaxweynaha marka la doorto wuxu xushaa wasiirada uu u garto inay shaqada kasoo bixi karaan.Madaxweynaha iyo wasiiradaba waxa lagu dhaariyaa inay si daacad ah dadka oo dhan ugu shaqeeyaan ilaaliyaana diinta, dhaqanka iyo shuruucda dalka. Nidaamkan wasiiradu waxay toos ugu report gareeyaan madaxweynaha xushay kasoo isla markaana leh awoodda uu isku bedeli karo ama ku eryi karo kuwa uu shaqadooda saluugo. Nidaamkan wasiirada waxa kale oo sharciyan looga baahan yahay inay hortagaan baarlaamaanka gaar ahaan guddiyada qaabilsan shaqadooda si ay uga warbixiyaan waxqabadkooda ugana jawaabaan suaalaha mudanayaasha. Wasiirka maaliyaddu waxay ahayd inuu hortago Gudida Arrimaha Maaliyadda, Xisaabaadka iyo Ganacsiga ee golaha shacabka oo shaqadiisa ay ka mid tahay hubinta in siyaasada maaliyadda, miisaanayada qaranka iyo nidaamka cashuurahu u adeegayaan danta dhamaan muwaadiniinta.
Somaliland waxa kale oo ay leedahay saxaafad madax banaaa oo markii loo baahdo abaabusha doodo ku saabsan shaqada wasiiradaha qaar halkaas oo dadweynuhu toos suaalo u weydiiyaan wasiirada. Wixii ka horreeyey toddobaadkii hore wax waliba sidii nidaamku ahaa ayey u socdeen.
Waddamada ay weli ka taliyaan xisbiyada Shuuciga ahi sida China, Cuba iyo Vietnam, hoggaamiyaha dalka, xubnaha golaha shacabka iyo wasiiradaba waxa lagu dhaariyaa u daacad ahaansha xisbiga shuuciga iyo fulinta mabaadiidiisa. Waxa kaloo Iyana dhacda in nidaamka parliamentary systemka ee waddamo Ingriisku ka mid yahay isticmaalaan, in wasiiradu maadaama ay yihiin xubnaha baarlamaanka ugu jira xisbiga talada haya ay la tashiyo la sameeyaan xisbiga. Maadaama nidaamka presidential systemka ee Somaliland isticmaasho uu kala saaro maamulka dawladda iyo siyaasadda xisbiyeysan, waxay u eeg tahay in guddomiyaha xisbiga Waddani marka uu u yeedhayo wasiir xukuumadeed uu labadaa nidaam ee aan midna Somaliland ka jirin dabaqayo.
Fahmy Abdillahi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!