Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga JSL oo Shir Guddoomiyay Kulanka Todobaadlaha ah

Saturday March 28, 2026 - 14:37:39
HADHWANAAGNEWS
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ka dhagaystay warbixinno...



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Liibaan Mahamuud Diiriye, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Agaasime-waaxeedyada wasaaradda.


 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo, iyo sidii loo xoojin lahaa horumarinta kalluumaysiga iyo khayraadka badda, oo ka mid ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka.


 

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ka dhagaystay warbixinno faahfaahsan oo ay soo jeediyeen Agaasime-waaxeedyadu, kuwaas oo ku saabsan:


 

Hawlaha socda ee wasaaradda


Heerarka ay marayaan mashaariicda


Caqabadaha jira iyo xalalka loo baahan yahay


 

Mudane Liibaan Mahamuud Diiriye ayaa ku booriyay masuuliyiinta wasaaradda inay xoojiyaan wada-shaqaynta, kordhiyaan dadaalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumar waara oo lagu kobcinayo khayraadka badda Somaliland.


 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in la dardargeliyo shaqada wasaaradda iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda si waxtar leh.

     
Loading...