HADHWANAAGNEWS
Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Yuusuf, ayaa sheegay in madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka ay door muhiim ah ka qaadato kor u qaadista isla xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed.
Mudane Muuse Yuusuf ayaa carrabka ku adkeeyay in marka xafiiska hanti-dhowrku noqdo mid madax-bannaan, ay si toos ah u kordhaan isla xisaabtanka iyo kalsoonida, isla markaana uu yaraado khasaaraha.
"Marka Xafiiska Hanti-dhowrku mid madax-bannaan noqdo, isla xisaabtanku wuu kordhaa, khasaaruhuna wuu yaraadaa, kalsooniduna way korodhaa," ayuu yidhi.
Sidoo kale, Hanti-dhowraha Guud ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo bulshada guud ahaanba wada shaqayn iyo ilaalinta hantida dadweynaha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si sax ah loo maamulo loona isticmaalo.
"Aan wada shaqayno si aan u hubinno in hantida dadweynaha si hufan loo maamulo loona isticmaalo," ayuu raaciyay.
Hadalka Hanti-dhowraha ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay madax-bannaanida hay’adaha kormeerka si loo helo maamul daah-furan iyo nidaam dhaqaale oo la isku halayn karo.