DEG DEG: Xasan Cali Khayre Oo Muqdisho Kula Kulmay Islaan Ciise – Kulamo Siyaasadeed Oo Socda

Thursday April 23, 2026 - 16:57:15
HADHWANAAGNEWS
Kulanka dhex maray Khayre iyo Islaan Ciise ayaa la sheegay

May be an image of one or more people and dais


Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa kulan booqasho ah ugu tagay Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho.


 

Wafdigan ayaa magaalada u yimid ka qaybgalka munaasibadda caleemasaarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi, oo loo caleemo saarayo Ugaaska beesha Murusade.


 

Kulanka dhex maray Khayre iyo Islaan Ciise ayaa la sheegay in uu ahaa mid is xog-wareysi iyo is-arag ah, iyadoo ay ka muuqatay ixtiraam iyo soo dhoweyn.


 

Munaasibadda caleemasaarka ayaa la filayaa inay noqoto mid ay ka soo qaybgalaan siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, taas oo muujinaysa muhiimadda ay leedahay hoggaanka dhaqanka.


 

Kulamada noocan ah ayaa inta badan door ka qaata xoojinta xidhiidhka u dhexeeya siyaasiyiinta iyo hoggaanka dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed.

     
Loading...