Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Soo Dhaweeyey Soo Laabashada Madaxweyne Cirro

Thursday October 15, 2026 - 13:23:45
hadhwanaagnews
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu soo...



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaddib markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay isaga iyo weftigii uu hoggaaminayey, kuwaas oo safarro shaqo ku tegay Maraykanka iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha, isaga oo safarradiisa ku tilmaamay kuwo la xidhiidha dedaallada siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland.

 

"Maanta waa maalin weyn oo madaxweynaha Somaliland ku soo dhaweynayno guusha uu hoggaaminayo ee uu ka gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

 

Hadalkan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay dalka dib ugu soo laabteen, kaddib safarradii ay ku tageen Maraykanka iyo Imaaraadka, kuwaas oo qayb ka ahaa dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.

     
Loading...