HADHWANAAGNEWS
Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay masuuliyadda culus ee saaran Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha, isaga oo xusay in guddigani si toos ah ula xisaabtamo wasaaradaha taabanaya nolosha shacabka.
Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in guddigaasi uu door muhiim ah ku leeyahay kormeerka iyo hagidda wasaaradaha bulshada khuseeya, isla markaana ay waajib ku tahay inay hubiyaan in adeegyadaasi si hufan u shaqeeyaan.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo dejinta xeerar qaran oo hagaya hawlaha wasaaradaha, isaga oo si gaar ah u bogaadiyey xeerka caafimaadka oo ay guddigu dhameeyeen, kaasi oo la filayo in dhawaan la horkeeno golaha guud ee Wakiillada si loo ansixiyo.
"Xilka idin saaran waxa uu yahay dhammaan wasaaradaha taabanaya nolosha dadka idinkaa xukuma, waxayna u baahan yihiin xeerar,” ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada.
Hadalkan ayuu jeediyey xilli uu xilka guddoonka u kala wareejinayey hoggaanka Guddiga Arrimaha Bulshada, isaga oo ku boorriyey inay si firfircoon uga shaqeeyaan waajibaadkooda iyo danta guud ee bulshada.