xogbaahin.com
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee maamulka sare ee Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha shaqo, qorshayaasha iyo nidaamka dabagalka waxqabadka Wasaaradda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogta tilmaamayaasha muhiimka ah ee tirakoobka, warbixin ku saabsan Xeerarka Tirakoobka iyo Qorshaynta oo loo gudbiyey Xeer-ilaaliyaha Guud, iyo sidoo kale Siyaasadda iyo Habraaca Dabagalka iyo Qiimaynta (M&E).
Maamulka sare ee Wasaaradda ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyey Qorshaha Shaqo ee Sannadlaha ah, iyaga oo ka wada hadlay qodobo kale oo muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha iyo gudashada waajibaadka Wasaaradda.
Shirarkan toddobaadlaha ah ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee lagu xoojinayo isku-dubbaridka, dabagalka iyo dardargelinta hawlaha shaqo, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha qaranka iyo waajibaadka Wasaaraddu si hufan u hirgalaan.