xogbaahin.com
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa bogaadiyey xaaladda guud ee nabadgelyo ee Somaliland, isaga oo sheegay in guud ahaan dalku yahay mid nabdoon, inkasta oo ay jiraan khilaafyo iyo dagaallo u baahan in si dhab ah loo fahmo loona xalliyo.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xaaladda nabadgelyo ee guud ahaan Somaliland ay wanaagsan tahay, balse ay jiraan khilaafaadyo iyo dagaallo mararka qaarkood aan si cad loo fahmin ujeeddadooda iyo macnahooda.
Waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah la siinayo fahamka sababaha ka dambeeya khilaafaadka jira iyo sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu soo afjaro colaadaha, loogana shaqeeyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida dalka.
Guddoomiye Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa yidhi: "Guud ahaan dalka Somaliland wuu wanaagsan yahay, waanu nabadqaba, balse khilaafaadka iyo dagaallada ujeeddadooda iyo macnahooda aan la garanayn ayaa badan.”