DEG DEG:- Booliska Somaliland oo Digniin Ka Soo Saaray Roobab La Filayo iyo Taxaddarro Muhiim ah

Monday March 23, 2026 - 20:28:43
HADHWANAAGNEWS
Booliska ayaa shacabka ku wargeliyay inay ka fogaadaan: ...



Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray wargelin muhiim ah oo ku saabsan taxaddarrada la qaadanayo xilliga roobaadka, iyadoo la saadaalinayo roobab xooggan oo sababi kara waxyeellooyin laga hortagi karo.


 

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in la galay xilli roobaad oo la filayo inuu keeno roobab badan, kuwaas oo khatar u keeni kara bulshada haddii aan la qaadan feejignaan.


 

Booliska ayaa shacabka ku wargeliyay inay ka fogaadaan:


 

Dooxyada iyo laagaha


Biyo-mareennada


Biraha laydhka iyo goobaha halista ah


 

Sidoo kale, waxa si gaar ah loo faray wadayaasha gaadiidka inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, hoos u dhigaan xawaaraha, isla markaana raacaan awaamiirta iyo tilmaamaha Ciidanka Booliska.


 

Taliska Booliska ayaa ku booriyay shacabka inay muujiyaan feejignaan iyo wada shaqayn, si looga hortago waxyeellooyinka ka dhalan kara roobabka, loona ilaaliyo badbaadada nafta iyo hantida.

     
Loading...