hadhwanaagnews
Suldaan Cabdikariin Aadan Jaamac ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Maamulka Puntland inay si degdeg ah uga qeyb qaataan daminta colaadda ka taagan gobolka Sanaag, gaar ahaan dagaallada u dhexeeya labada beelood ee deegaanka ku dirirsan.
Suldaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada dhinac ay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadeynta iyo kala dhexgalka beelaha walaalaha ah si looga hortago dhiig daadasho horleh iyo xaalad amni darro oo sii fida.
Wuxuu sidoo kale bulshada iyo isimada dhaqanka ugu baaqay inay taageeraan dadaallada nabadeed, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo hurin kara colaadda gobolka Sanaag.