Imaaraadka Carabta Iyo Iiraan Oo Ka Wada-hadlay Xasiloonida Gobolka Iyo Xiisadda Badda Cas

Saturday September 12, 2026 - 15:29:03
xogbaahin.com
Labada dhinac ayaa kulanka kaga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta....



Imaaraadka Carabta iyo Iiraan ayaa ka wada hadlay xaaladda amni iyo xasiloonida gobolka, gaar ahaan sidii loo dejin lahaa xiisadaha ka taagan Badda Cas.

 

Wadahadalladan ayaa dhacay kadib kulan-doceed dhexmaray Dhaxal-sugaha Abu-Dhabi, Sheekh Khaalid Bin Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan, iyo Madaxweynaha Iiraan, Mas’uud Pezeshkian, kaas oo ka dhacay dhinacyada shirka BRICS.

 

Labada dhinac ayaa kulanka kaga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga gobolka, si loo yareeyo xiisadaha amni ee saameynaya Bariga Dhexe iyo marin-biyoodka Badda Cas.

 

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Badda Cas iyo marinnada ganacsi ee muhiimka ah ay wajahaan xaalado amni oo sii cakiran, taas oo walaac ku abuurtay dalalka gobolka iyo bulshada caalamka.

     
Loading...