Ruushka Iyo Kuuriyada Waqooyi Oo Xadhigga Ka Jaray Biriishka "Saaxiibtinimada" Ee Labada Dal

Monday September 07, 2026 - 15:10:30
hadhwanaagnews
Horumarkan ayaa walaac ka abuuray dalalka reer Galbeedka, kuwaas oo si dhow ...



Moscow – Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa xadhigga ka jaray biriish cusub oo loogu magac daray "Biriishka Saaxiibtinimada”, kaas oo isku xidhaya labada dal.

 

Biriishkan ayaa la sheegay inuu xoojinayo isku-xidhka ka dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, gaar ahaan dhinacyada gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo labada dal ay sannadihii u dambeeyey sii xoojinayeen xidhiidhkooda.

 

Horumarkan ayaa walaac ka abuuray dalalka reer Galbeedka, kuwaas oo si dhow ula socda iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Moscow iyo Pyongyang, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

 

Si kastaba ha ahaatee, labada dal ayaa hore u lahaa isku-xidh tareen oo u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi, kaas oo muddo dheer qayb ka ahaa isku-socodka labada dhinac.

 

Biriishka cusub ayaa sidaas darteed noqonaya waddo dheeraad ah oo lagu xoojinayo isku-xidhka labada dal, xilli xidhiidhka Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi uu galay marxalad cusub oo iskaashi ah.

     
Loading...