hadhwanaagnews

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar, ayaa si heer sare ah ugu qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey, kuwaas oo ku guda jira maalintii labaad ee booqashadooda rasmiga ah ee dalka Israa’iil.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israa’iil ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo danaha wadaagga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.
Iskaashi Dhinacyo Badan Taabanaya
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada amniga, horumarinta bulshada, dhaqaalaha, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo kobcinta xidhiidhka ka dhexeeya labada shacab.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa kulanka ku soo bandhigay fursadaha horumarineed iyo maalgashi ee ka jira Somaliland, isaga oo adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay inay la yeelato saaxiibbadeeda caalamka iskaashi ku dhisan dano wadaag iyo horumar waara.
War-murtiyeed Diblomaasiyadeed
Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’iil ayaa kulanka kaddib jeediyey war-murtiyeed wadajir ah oo xambaarsanaa nuxur diblomaasiyadeed, kaas oo ay ku caddeeyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac.
Waxay si wadajir ah u muujiyeen muhiimadda ay leedahay dhismaha xidhiidh ku salaysan is-ixtiraam, kalsooni, dano wadaag iyo horumar waara oo waxtar u leh labada dal iyo labada shacab.
Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil oo Sii Kobcaya
Kulankan ayaa loo arkaa mid ka tarjumaya heerka sii kobcaya ee xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, iyo rabitaanka labada dhinac ee ku aaddan ballaadhinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Diblomaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa kulanka ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xidhiidhka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee labada dhinac.
Qado-sharaf Lagu Maamuusay Madaxweynaha
Kulanka taariikhiga ah kaddib, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israa’iil, Mudane Gideon Sa’ar, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftigiisa ku maamuusay qado-sharaf ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Qado-sharaftan ayaa qayb ka ahayd soo dhoweynta rasmiga ah ee loo sameeyey Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa intii ay ku sugnaayeen dalka Israa’iil.