hadhwanaagnews
Hargeysa – Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigii saaka kaga hadlay dadaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland, xaaladda nabadeed ee dalka iyo colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salal.
Fadhiga oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa mudanayaashu si gaar ah u bogaadiyeen safarka Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigiisa ay ku tageen dalka Maraykanka.
Xildhibaannada Golaha Guurtida ayaa safarka Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo Somaliland u horseedi karta in la gaadho himilada aqoonsiga caalamiga ah, iyagoo Alle uga baryey Madaxweynaha iyo weftigiisa inuu ku guuleeyo ujeeddada ay dalka ugu baxeen.
Mudanayaasha ayaa Madaxweyne Cirro ku boorriyey inuu sii laba-jibaariyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu raadinayo aqoonsiga Somaliland, iyagoo xusay in xukuumaddu waddo dadaallo ay ku doonayso inay Somaliland ku gaadhsiiso guulo dhinaca diblomaasiyadda iyo aqoonsiga caalamiga ah.
Dhanka nabadgelyada, Golaha Guurtida ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay gobollada Awdal iyo Salal, iyagoo ugu baaqay inay hubka dhigaan, soo afjaraan colaadda, isla markaana dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka si loo soo celiyo nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Golaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyey dadaallada nabadeed ee ay wadaan ergooyinka Golaha Guurtida ee loo kala diray Diridhaba iyo Sanaag, kuwaas oo lagu xoojinayo nabadda, wada-noolaanshaha iyo xal u helidda khilaafaadka jira.
Golaha Guurtida ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, lana iska ilaaliyo wax kasta oo sababi kara barakac, burbur iyo khasaare hor leh, iyadoo xal waara loogu raadinayo khilaafaadka jira wada-hadal iyo is-afgarad.