hadhwanaagnews
Maydh, Sanaag – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland ayaa Degmada Maydh ee gobolka Sanaag ka bilawday wacyigelin iyo xog-ururin ku saabsan farsamaynta dahabka iyo khataraha caafimaad iyo deegaan ee ka dhalan kara isticmaalka kiimikooyinka loo adeegsado sifayntiisa.
Waaxda Ilaalinta iyo Daryeelka Deegaanka Badda ee Wasaaradda ayaa xog ka ururisay goobaha dahabka lagu farsameeyo ee ku dhow xeebta Maydh, iyadoo bulshada ku hawlan shaqadan lagu wacyigeliyey khataraha ka dhalan kara isticmaalka kiimikooyinka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan caafimaadka dadka iyo deegaanka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hadhaaga kiimikooyinka iyo walxaha ka dhasha farsamaynta dahabku ay khatar ku noqon karaan caafimaadka bulshada, noolaha badda iyo guud ahaan deegaanka, gaar ahaan haddii ay ku dhex milmaan ama si dadban ugu gudbaan biyaha badda.
Intii ay hawsha wacyigelinta iyo xog-ururintu socotay, bulshada ayaa lagu baraarujiyey muhiimadda ay leedahay in si taxaddar leh loo isticmaalo kiimikooyinka, lana fahmo khataraha caafimaad iyo deegaan ee ka dhalan kara marka aan si habboon loo maareyn.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland ayaa bulshada ku boorrisay inay adeegsadaan habab ammaan ah oo deegaanka u wanaagsan, isla markaana si masuuliyad leh u kaydiyaan, u maareeyaan una yareeyaan isticmaalka kiimikooyinka waxyeellada u keeni kara dadka, noolaha badda iyo deegaanka.