Israa'iil Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay U Safraan Somaliland Iyo Saddex Dal Oo Kale

Sunday September 06, 2026 - 15:32:10
hadhwanaagnews
Digniinta ayaa lagu sababeeyey qiimaynta khataraha amni ee ka iman kara ....



Golaha Amniga Qaranka ee Israa’iil ayaa soo saaray digniin cusub oo ku saabsan safarrada muwaadiniinta Israa’iil, isaga oo Somaliland, Urdun, Qatar iyo Masar ku daray meelaha lagu tilmaamay heerka ugu sarreeya ee digniinta safarka.

 

Sida ay baahisay i24NEWS, Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa muwaadiniinta dalkaas kula taliyey inay gabi ahaanba ka fogaadaan afarta goobood, iyadoo digniintu sidoo kale khusayso dadka doonaya inay meelahaas u maraan transit. Waxaa lagu sheegay in xitaa joogsiyada diyaaradaha ee dalalka heerka 4-aad laga fogaado.

 

Digniinta ayaa lagu sababeeyey qiimaynta khataraha amni ee ka iman kara kooxaha xagjirka ah iyo hanjabaadaha loo jeedinayo Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda ku sugan dibadda. Golaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxo ay ka mid yihiin ISIS, Al-Qaacida iyo kooxo kale ay sii wadaan baaqyada waxyeellada loogu geysanayo Israa’iiliyiinta iyo Yuhuudda meelo kala duwan oo dunida ah.

 

Golaha Amniga Qaranka Israa’iil ayaa nidaamka digniinta safarka u isticmaala heerar kala duwan oo khatar ah, iyadoo heerka 4-aad lagu qeexay khatar sare oo ay tahay in safarka meeshaas laga fogaado.

 

Digniintan ayaa imanaysa xilli xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu galay marxalad cusub, kaddib markii Israa’iil ay 26-kii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, iyadoo Madaxweyne Cirro uu June 2026 booqasho rasmi ah ku tegay Israa’iil.

 

Ilaa hadda, Somaliland kama soo saarin bayaan rasmi ah oo ku saabsan digniinta cusub ee Israa’iil.

     
Loading...