hadhwanaagnews
Culimo ka timid Puntland oo wada dadaallo nabadeed oo u dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari ayaa sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaadho heshiis nabadeed oo waara, kaas oo horseeda xasillooni, is-weydaarsiga maxaabiista, kala qaadista ciidamada iyo dib u furista isu-socodka shacabka iyo ganacsiga.
Culimadu waxay sheegeen inay booqasho ku yimaadeen Somaliland, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddida Nabadda, culimada iyo salaadiinta, kuwaas oo ay sheegeen inay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo ay booqdeen maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood, iyagoo sheegay inay ku arkeen xaalad wanaagsan.
Culimadu waxay xuseen in dadaalladan nabadeed ay ka soo bilaabmeen shir ay culimadu ku yeesheen magaalada Garoowe, kaas oo lagu go’aamiyey in culimadu door muuqda ka qaataan xalinta khilaafaadka Soomaalida. Waxay intaas ku dareen inay hore ula kulmeen masuuliyiinta Puntland iyo Waqooyi Bari si ay u dhiirrigeliyaan geeddi-socodka nabadda.
Waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay dardargeliyaan wada-hadallada nabadda, si loo gaadho heshiis rasmi ah oo soo afjara saamaynta colaaddii ka dhacday gobolka Sool.
Culimadu waxay yidhaahdeen:
"Waxaan rajaynaynaa heshiis nabadeed oo waara oo Somaliland iyo Waqooyi Bari dhex mara. Waxaan u mahadcelinaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo shacabka sida sharafta leh ee naloo soo dhaweeyey. Waxaan la kulannay madaxda iyo guddiyada nabadda, waxaanan booqannay maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood oo aan ku aragnay xaalad wanaagsan. Waxaan rajaynaynaa in dadaalladan ay horseedaan heshiis nabadeed oo waara, kaas oo lagu gaadho kala qaadista ciidamada, is-weydaarsiga maxaabiista iyo dib u soo celinta isu-socodka shacabka iyo ganacsiga.”