hadhwanaagnews

Safiirka ugu horreeya ee Israa’iil u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, ayaa sheegay in xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu si degdeg ah u sii xoogeysanayo, islamarkaana wada-hadallada labada dhinac aysan ku koobnayn arrimaha amniga oo keliya.
Michael Lotem oo wareysi bixiyay Jimcihii ayaa sheegay in Somaliland ay daneynayso khibradaha iyo tiknoolajiyadda Israa’iil ee dhinacyo badan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin horumarinta adeegyada iyo kobcinta dhaqaalaha.
Safiirka ayaa tilmaamay in wada-xaajoodyada siyaasadeed ee labada dhinac ay taabanayaan arrimo kala duwan oo ka baxsan dhinaca amniga, taas oo muujinaysa ballaarinta xiriirka labada dhinac.
Dhankiisa, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa bogaadiyay xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil iyo ballaarinta heshiisyada Abraham Accords, isagoo sheegay inay door ka qaadan karaan xoojinta nabadda iyo iskaashiga Afrika iyo Bariga Dhexe.