hadhwanaagnews
Xoghayaha guud ee Golaha Guurtida JSL, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa beeniyay muuqaal la soo jarjaray oo baraha bulshada lagu faafiyay, kaas oo la xidhiidhay hadal uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL, Saleebaan Maxamuud Aadan.
Xoghayuhu waxa uu sheegay in muuqaalkaasi uu ahaa dhacdo dhacday sannadkii 2021, xilli mid ka mid ah xildhibaannadu si kaftan ah su’aal u weydiiyay guddoomiyaha, balse si khaldan loo jarjaray loona baahiyay iyadoo laga leeyahay dano gaar ah.
Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa sidoo kale xusay in la og yahay cidda ka dambaysay duubista iyo faafinta muuqaalkaasi, isaga oo sheegay in ujeeddada laga lahaa ay ahayd in bulshada lagu tuso inuu khilaaf u dhexeeyo Golaha Guurtida iyo xukuumadda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.
Waxa uu warbaahinta ugu baaqay inay ka fogaadaan faafinta wararka been abuurka ah iyo muuqaalada la marin habaabiyay ee lagu dhaawacayo madaxda iyo hay’adaha qaranka.
Ugu dambayn, Xoghayaha Guurtida JSL ayaa caddeeyay in Golaha Guurtida, xukuumadda iyo warbaahintu ay ka dhexeeyaan wada shaqayn wanaagsan iyo isfaham buuxa.