hadhwanaagnews
Haweeney 32 jir ah oo ahayd madaxweyne-ku-xigeen ka tirsan Bank of America ayaa lagu dilay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay agagaarka Times Square ee magaalada New York, iyadoo weerarka uu sidoo kale sababay dhaawaca nin waayeel ah, sida ay ku warantay TRT World.
Haweeneyda dhimatay ayaa lagu magacaabi jiray Erin Piacenti, waxaana geerideeda xaqiijiyey Bank of America. Bangigu wuxuu sheegay inuu aad uga naxay geerida shaqaalihiisa, isagoo tacsi u diray qoyskeeda, eheladeeda iyo dadka ay ka geeriyootay.
Booliska New York ayaa sheegay in weerarka lagu eedeeyay Pamela Cisneros, oo 49 jir ah kana soo jeeda Queens. Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay muddo dhowr daqiiqo ah isku dayeen inay Cisneros ku qanciyaan inay dhigto mindiyaha ay sidatay, hase yeeshee ay diiday amarada booliska.
Taliyaha Booliska New York, Jessica Tisch, ayaa sheegtay in Cisneros ay askarta ugu hanjabtay inay dili doonto, kaddibna ay mindiyaha lulaysay iyadoo dhankooda u soo dhaqaaqaysa. Booliska ayaa markii hore isku dayay inay adeegsadaan qalabka Taser-ka, balse isku daygaasi uu fashilmay.
Sida ay boolisku sheegeen, laba askari ayaa markaas rasaas ku furay Cisneros, taasoo sababtay inay dhaawacanto. Waxaa markii dambe la sheegay inay u dhimatay dhaawacyadii soo gaadhay.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhacdada lagu duubay kamaradaha ku rakiban dharka askarta, kuwaas oo qayb ka noqon doona baaritaanka lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo tallaabooyinkii ay ciidamada ammaanku qaadeen.
Boolisku waxay intaas ku dareen in Cisneros hore loogu diiwaangeliyey dhacdooyin la xidhiidha caafimaadka dhimirka sannadihii 2018 iyo 2019, hase yeeshee aanay lahayn taariikh xadhig oo boolisku ka diiwaangeliyeen. Baaritaanka dhacdada ayaa weli socda.