hadhwanaagnews
Ugu yaraan shan qof ayaa la la’yahay, halka laba buundo iyo ku dhowaad 12 guri ay qaadeen daadad xooggan oo ku dhuftay badhtamaha dalka Nepal, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaasi.
Daadadka ayaa ka dhashay dhul-go’ xannibay Webiga Budhi Gandaki, taas oo sababtay in biyuhu fatahaan, isla markaana waxyeello soo gaadho waddooyin iyo goob laga dhisayo mashruuc koronto-dhalin biyood ah.
Masuuliyiinta Nepal ayaa xaqiijiyey in la badbaadiyey ugu yaraan 82 qof, kuwaas oo ay ku jiraan sagaal qof oo ajaanib ah. Hawlaha gurmadka ayaa socda, iyadoo weli la raadinayo dadka la la’yahay.
Dadka deggan hareeraha webiga ayaa lagu amray inay ka guuraan goobaha khatarta ku jira, si looga hortago waxyeello kale oo ka dhalan karta daadadka.
Musiibadan ayaa dhacday toddobaadyo uun ka dib markii daadad kale ay ku dhufteen qaybo ka mid ah Nepal, kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof, taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo saamaynta fatahaadaha iyo dhul-go’a ka dhasha roobabka xooggan.