Cabsi Laga Qabo Weerarro Xuutiyiintu Ka Geystaan Riyadh oo Shaqaalihii Munaaradda Boqortooyada Guryahooda Lagu Amray

Monday October 19, 2026 - 12:47:29
HADHWANAAGNEWS
Sida lagu sheegay warbixin loo nisbeeyey wakaaladda wararka AFP.....



Riyadh (Hadhwanaagnews) – Maamulka Munaaradda Boqortooyada (Kingdom Centre), oo ka mid ah dhismayaasha ugu caansan dalka Sucuudiga, ayaa shaqaalaha xafiisyada ku yaalla dhismahaasi ku amray inay guryahooda ka shaqeeyaan, kaddib markii ay soo baxeen walaacyo dhinaca amniga ah oo la xidhiidha suurtagalnimada weerarro ay fallaagada Xuutiyiintu ka geystaan caasimadda Riyadh.

 

Go’aankan oo la sheegay in la qaatay maalin Axad ah ayaa yimid xilli ay soo baxayeen warar tilmaamaya in dhismaha Kingdom Centre uu ka mid noqon karo goobaha suurtagalka ah ee ay bartilmaameedsan karaan Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iiraan.

 

Sida lagu sheegay warbixin loo nisbeeyey wakaaladda wararka AFP, maamulka dhismaha ayaa shaqaalaha xafiisyada kala duwan faray inay shaqadooda ku sii wataan habka internetka, iyagoo guryahooda jooga, ilaa amar dambe laga soo saarayo xaaladda amniga.

 

Tallaabadan ayaa sidoo kale ku soo beegantay kaddib markii isbahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudigu uu sheegay inay qabteen laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ku sugnaa agagaarka magaalada Riyadh.

 

Munaaradda Boqortooyada ee Kingdom Centre ayaa ka kooban 99 dabaq, waxaanay ku taallaa badhtamaha caasimadda Riyadh, gaar ahaan degmada Al-Olaya. Dhismahan ayaa ka mid ah astaamaha caanka ah ee magaalada, waxaana ku yaalla xafiisyo ganacsi iyo xarumo adeegyo kala duwan bixiya.

 

Go’aanka shaqaalaha loogu wareejiyey inay guryahooda ka shaqeeyaan ayaa lagu sheegay tallaabo taxaddar oo looga gol leeyahay ilaalinta badbaadada dadka ka hawlgala dhismaha, inta ay jiraan walaacyada dhinaca amniga ee la soo sheegay.

     
Loading...