Xoghayaha Xafiiska Madaxweynaha Somaliland: "Waxqabadku Waa Taariikh Aan Duugoobin"

Saturday September 05, 2026 - 14:11:19
hadhwanaagnews
"Taariikhdu ma tiriso maalmaha xilka lagu fadhiyey; balse waxay ....



Xoghayaha Xafiiska Madaxweynaha Somaliland, Cabdiqaadir Iidleh, ayaa sheegay in qiimaha masuuliyadda qaranku aanu ku koobnayn muddada xilka la hayo, balse lagu qiimeeyo raadkii iyo waxqabadkii uu masuulku dalka kaga tago.

 

Cabdiqaadir Iidleh ayaa tilmaamay in taariikhdu aanay tirin maalmaha qofku xilka ku fadhiyey, balse ay xusto waxqabadka iyo adeegga uu qaranka u qabtay.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Taariikhdu ma tiriso maalmaha xilka lagu fadhiyey; balse waxay qortaa raadkii laga tegay & wixii Qaranka loo qabtay, waayo waxqabadku waa taariikh aan duugoobin.”

 

Xoghayaha Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray farriin uu u muuqday inuu ugu jawaabayo ama ugu tilmaamayo dhinac kale oo siyaasadeed, isagoo yidhi:

 

"Halka aan u soconno fariidna waa ogyahay, kii kale ee naanaysta lahaana loo sheegi maayo.”

 

Hadalkan ayaa imanaya xilli doodaha siyaasadeed iyo qiimaynta waxqabadka xukuumadda ay si weyn uga dhex socdaan Somaliland, iyadoo masuuliyiinta dowladda ay marar badan adkeeyaan in waxqabadka iyo natiijooyinka la gaadhay ay yihiin waxa lagu qiimeeyo muddada xilka.

     
Loading...