Timeless Africa: Somaliland iyo Israa'iil oo Dhisaya Iskaashi Istiraatiiji ah oo Saameyn ku Leh Geeska Afrika

Monday May 11, 2026 - 12:47:08
hadhwanaagnews
Timeless Africa waxay Somaliland ku tilmaantay qaran leh xasillooni



Warbaahinta caalamiga ah ee Timeless Africa ayaa warbixin ay baahisay ku iftiimisay xidhiidhka sii xoogaysanaya iyo iskaashiga dan-wadaagta ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, xilli gobolka Geeska Afrika uu galay marxalad cusub oo ku salaysan tartan istiraatiiji ah iyo isbahaysiyo siyaasadeed oo isa soo taraya.


 

Warbixinta oo uu soo xigtay Wargeyska DAWAN ayaa sheegtay in Somaliland iyo Israa’iil ay si tartiib tartiib ah u dhisayaan xidhiidh xoogan oo ku salaysan dano dhaqaale, amni, diblomaasiyadeed iyo ganacsi, iyadoo si gaar ah loo xusay muhiimadda marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.


 

Timeless Africa waxay Somaliland ku tilmaantay qaran leh xasillooni siyaasadeed, nidaam dawladnimo oo shaqaynaya iyo hannaan dimuqraadi ah oo muddo dheer ka hanaqaaday Geeska Afrika, taas oo sababtay inay si weyn usoo jiidato indhaha beesha caalamka iyo quwadaha daneeya gobolka.


 

Warbixintu waxay sidoo kale Dekedda Berbera ku sifaysay furaha cusub ee siyaasadda iyo ganacsiga Badda Cas, iyadoo tilmaantay in Somaliland ay noqotay xudunta isku xidhka Afrika, Bariga Dhexe iyo suuqyada caalamka. Waxaa kale oo la iftiimiyay iskaashiga dhinacyada tiknoolajiyadda, beeraha, biyaha, maalgashiga iyo xoojinta saamaynta diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

     
Loading...