Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe: "Istaraatijiyadda cusub waxay horseedaysaa Bangi Dhexe oo xooggan"

Saturday April 18, 2026 - 02:11:24
hadhwanaagnews
"Istaraatijiyaddani waxa ay ina siin doontaa jiho sax ah oo aynnu ku gaadhno



Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Jaamac Axmed (Yaasiin Calase), ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimadda istaraatijiyadda cusub ee Bangiga, isaga oo tilmaamay inay door weyn ka qaadan doonto horumarinta iyo xoojinta hawlaha Bangiga Dhexe.


 

Agaasimuhu waxa uu xusay in istaraatijiyaddani ay dejinayso jihayn cad oo lagu hagayo qorshayaasha Bangiga, si loo gaadho himilada ah in la helo Bangi Dhexe oo awood leh, hufan isla markaana ka jawaabi kara baahiyaha dhaqaale ee dalka.


 

"Istaraatijiyaddani waxa ay ina siin doontaa jiho sax ah oo aynnu ku gaadhno inuu Bangiga Dhexe noqdo Bangi Dhexe oo xooggan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.


 

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in hirgelinta istaraatijiyaddani ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto xasillinta nidaamka maaliyadeed, kor u qaadidda kalsoonida bangiyada, iyo taageeridda koboca dhaqaalaha dalka.


 

Hadalka Agaasimaha ayaa imanaya xilli Bangiga Dhexe ee Somaliland uu dadaal ugu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo xoojinta siyaasadaha lacageed ee dalka.

     
Loading...