hadhwanaagnews
Madaxda mucaaradka Soomaaliya ayaa shaaciyay goobta rasmiga ah ee lagu qaban doono dibad-baxa ay hore ugu dhawaaqeen, kadib go’aan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriiray goobaha bannaanbaxyada lagu qaban karo.
Mucaaradka ayaa sheegay in dibad-baxu ka dhici doono goobta ay dowladdu u asteeysay isu-soo-baxyada shacabka, iyagoo ugu baaqay taageerayaashooda inay si nabad ah uga qayb qaataan mudaharaadka.
Sidoo kale, madaxda mucaaradka ayaa xusay inay ixtiraamayaan amniga iyo kala dambeynta, balse ay shacabka u gudbinayaan fariimo ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo cabashooyinka jira.
Dhanka kale, ciidamada ammaanka ayaa la geeyay waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha la filayo inuu ka dhaco dibad-baxu, si loo xaqiijiyo amniga magaalada Muqdisho.
Go’aankan cusub ayaa yimid kadib wada-hadallo iyo cadaadis siyaasadeed oo la xiriiray goobta lagu qabanayo dibad-baxa mucaaradka.