hadhwanaagnews
Warbixin caalami ah oo ay daabacday warbaahinta Firstpost ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dhistay iskaashi cusub oo ay la samaysay dawladaha Israa’iil iyo Taiwan, tallaabadaas oo ay falanqeeyayaasha siyaasadda caalamku ku tilmaameen mid abuuraysa dhidib juqraafi-siyaasadeed cusub oo ka soo ifbaxaya Geeska Afrika.
Warbixintu waxay xustay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tagay magaalada Qudus ay muujinayaan isbeddel istaraatiiji ah oo ku yimid siyaasadda gobolka.
Iskaashi Diblomaasiyadeed, Amni iyo Dhaqaale
Firstpost ayaa sheegtay in Somaliland ay si muuqata u ballaadhinayso xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed iyo istaraatiijiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay iskaashi dhab ah la samaysay laba ka mid ah dhinacyada ugu saamaynta badan siyaasadda caalamka, kuwaas oo kala ah Israa’iil iyo Taiwan, arrintaas oo sii kordhinaysa doorka ay ku leedahay gobolka.
Dekedda Berbera oo Muhiimad Gaar ah Leh
Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay muhiimadda Dekedda Berbera, iyadoo ku tilmaantay marin ganacsi oo istaraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika.
Waxa lagu sheegay in dekeddu ay door muhiim ah ku leedahay isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, maadaama ay ku taallo meel muhiim u ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan dunida.
Geeska Afrika oo Galaya Marxalad Cusub
Sida lagu sheegay warbixinta, isbeddellada cusub ee ka socda Somaliland iyo xidhiidhada ay la yeelanayso Israa’iil iyo Taiwan waxay muujinayaan in Geeska Afrika uu galay marxalad cusub oo juqraafi-siyaasadeed.
Warbixintu waxay xustay in isbahaysigan cusub uu yeelan karo saamayn ku saabsan isu dheellitirka awoodaha gobolka, isla markaana uu dib u qaabayn karo xiriirrada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee Geeska Afrika.
Doorka Somaliland oo Sii Kordhaya
Firstpost ayaa ku soo gabagabaysay warbixinteeda in Somaliland ay sii xoojinayso kaalinteeda gobolka, iyadoo ka faa’iidaysanaysa goobteeda istaraatiijiga ah, xasilloonideeda iyo fursadaha dhaqaale ee ay leedahay, kuwaas oo soo jiidanaya daneeyayaal iyo saaxiibbo caalami ah.