Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Ka Hadlay Xidhiidhka Israa'iil iyo Rajada Aqoonsiyo Cusub

Sunday June 21, 2026 - 19:44:42
hadhwanaagnews
Aqoonsiga Israa'iil oo Fure u Noqon Kara Dalal Kale



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu yahay mid furan oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, amniga iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.

 

Wasiirka ayaa xusay in aasaasidda xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa, furitaanka safaaradaha iyo booqashooyinka rasmiga ahi ay muujinayaan heerka cusub ee uu gaadhay xidhiidhka labada dhinac.

 

Aqoonsiga Israa’iil oo Fure u Noqon Kara Dalal Kale

 

Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland ay albaab u furi karto waddamo kale oo mustaqbalka dhow qaadi kara tallaabooyin la mid ah.

 

Waxa uu muujiyey kalsooni uu ku qabo in dalal kale, oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Imaaraadka Carabtu, ay mustaqbalka ku biiri karaan aqoonsiga Somaliland.

 

Somaliland oo Xoojinaysa Xidhiidhada Caalamiga ah

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay diiradda saarayso xoojinta xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed iyo danaha caalamiga ah, isaga oo xusay in xukuumaddu sii wadayso dedaallada lagu ballaadhinayo iskaashiga caalamiga ah.

 

Jawaab Ku Socota Soomaaliya

 

Isagoo ka hadlayey hadallada iyo dhaliilaha kaga imanaya Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibeddu waxa uu sheegay in Somaliland aanay wakhti ku luminayn arrimahaas, balse ay xoogga saarayso horumarka, iskaashiga iyo danaha qaranka.

 

Mahadnaq loo Jeediyey Israa’iil

 

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Israa’iil tallaabada ay ku aqoonsadeen Somaliland, isaga oo ku tilmaamay arrin muhiim ah oo qayb ka ah himilada aqoonsi raadinta Somaliland.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland waa mid furan. Waxaan ka wada hadli karnaa wax kasta oo aan u aragno inay muhiim noo yihiin. Dal kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu la xaajoodo oo iskaashi la yeesho cidda uu doono, meel kasta oo uu u arko inay dan u tahay labada dhinac.”

 

Wasiirku waxa uu ku soo gunaanaday hadalkiisa in Somaliland ay sii wadi doonto dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhada caalamiga ah iyo kor u qaadista danaha shacabka Somaliland.

     
Loading...