hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Saki, ayaa sheegay in miisaaniyadda hadda loo qoondeeyey waaxda caafimaadku ay aad uga hooseyso baahiyaha dhabta ah ee lagu maamuli karo adeegyada caafimaadka dalka.
Dr. Axmed Saki ayaa xusay in miisaaniyadda caafimaadka ee hadda jirta ay dhan tahay 11 milyan iyo 148 kun oo doollar, halka Wasaaraddu ku qiyaastay in ugu yaraan 60 milyan oo doollar loo baahan yahay si si buuxda loogu daboolo baahiyaha caafimaad ee dalka.
Farqi Dhan 48 Milyan oo Doollar
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in uu jiro farqi maaliyadeed oo gaadhaya 48 milyan oo doollar, taas oo caqabad ku ah horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta xarumaha caafimaadka, helitaanka qalabka caafimaadka iyo daboolidda baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.
Waxa uu tilmaamay in miisaaniyadda hadda jirta aanay ku filnayn fulinta qorshayaasha lagu horumarinayo caafimaadka dalka.
Baahi Loo Qabo Qorshe Qaran
Dr. Axmed Saki ayaa carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay qorshe qaran oo lagu raadiyo ilaha dhaqaale ee lagu buuxin karo farqigan weyn, si loo xaqiijiyo in shacabka Somaliland helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Waxa uu yidhi:
"Miisaaniyadda hadda jirta ee caafimaadku waa 11 milyan iyo 148 kun oo doollar, halka inta aynu u baahanahay ay tahay 60 milyan oo doollar. Farqiga dhaqaale ee jiraana waa 48 milyan oo doollar ayaynu u baahanahay si caafimaadkeennu u shaqeeyo, qarankuna wuxuu u baahan yahay inuu u tashado halka uu ka heli lahaa dhaqaalahaas.”
Xog-waraysi Golaha Wakiillada
Hadalkan ayuu Agaasimaha Guud ka jeediyey kulan xog-waraysi ah oo maanta ay madaxda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku la yeesheen Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka dalka, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu horumarinayo tayada iyo gaadhsiinta adeegyada caafimaadka bulshada.