hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa maanta kulan xog-waraysi ah la yeeshay guddidii Golaha Guurtida ee loo xil saaray nabadaynta gobollada Awdal iyo Selel.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga gaadhay dedaallada nabadaynta iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka lagu xallinayo shaqaaqadii dhex martay laba beelood oo walaalo ah.
Wasiirka oo Bogaadiyey Dedaallada Nabadda
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa si weyn ugu mahadceliyey xubnaha Golaha Guurtida doorka muuqda ee ay ka qaateen nabadaynta iyo isu soo dhawaynta labada dhinac.
Waxa uu sheegay in guddidu si hufan uga shaqaysay hirgelinta nabad waarta, taas oo saldhig u ah xasilloonida, wada noolaanshaha iyo horumarka bulshada.
Guddida Guurtida oo Mahadnaq Muujisay
Dhankooda, xubnaha guddida nabadaynta ee Golaha Guurtida ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga taageerada joogtada ah ee uu siiyo hawlaha nabadda iyo dadaallada lagu xoojinayo wada noolaanshaha bulshada.
Waxay xuseen in wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Golaha Guurtidu ay door weyn ka qaadatay horumarinta geeddi-socodka nabadaynta.
Go’aan Lagu Dardar-gelinayo Gogosha Nabadda
Kulanka ayaa lagu isla qaatay in la dhamaystiro isla markaana la sii ambaqaado habsami u socodka gogosha nabadeed ee lagu dhexdhexaadinayo labada beelood ee shaqaaqadu dhex martay.
Masuuliyiintu waxay muujiyeen rajo ah in dedaallada socda ay horseedi doonaan heshiis waara iyo nabad buuxda oo ka hirgasha deegaannada ay arrimuhu saameeyeen.