hadhwanaagnews
Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa farriin mahadnaq ah u jeediyey xubnaha Golaha Guurtida kadib markii si rasmi ah loo ansixiyey iscasilaaddiisa.
Guddoomiye Saleebaan ayaa uga mahadceliyey mudanayaasha Golaha Guurtida wada-shaqayntii iyo garab istaaggii ay la lahaayeen muddadii uu hoggaaminayey Golaha, isagoo ku ammaanay daacadnimada iyo masuuliyadda ay muujiyeen.
"Waxaan idiinka mahadnaqayaa sidii wanaagsanayd ee daacadda ahayd ee aad iila soo shaqayseen,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.
Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xilka ka degay kadib hoggaan socday muddo 22 sano ah, isagoo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu muddada dheeraa ee soo hoggaamiyey Golaha Guurtida Somaliland.