Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Faahfaahiyey Xanuunnada Xummadaha Sababay ee Dalka Ka Dillaacay

Sunday June 21, 2026 - 19:49:39
hadhwanaagnews
Kaduudiye iyo Dengue Fever oo La Xaqiijiyey



Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir, ayaa sheegay in bilihii u dambeeyey dalka ay ka jireen xanuunno xummado wata oo saameeyey qaybo kala duwan oo bulshada ah, inkasta oo uu xusay in xaaladdu hadda hoos u dhacday marka loo eego heerarkii hore.

 

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadku qaaday tallaabooyin lagu ogaanayo nooca xanuunnada jira, iyadoo muunado (saamballo) laga qaaday bukaanno kala duwan si loo xaqiijiyo cudurrada sababay xummadahaasi.

 

Saamballo Loo Diray Ingiriiska

 

Dr. Xuseen Bashiir ayaa sheegay in Wasaaraddu dalka Ingiriiska u dirtay 35 saambal si loo sameeyo baadhitaanno caafimaad oo lagu xaqiijinayo nooca cudurrada faafay.

 

Waxa uu xusay in ilaa hadda la helay natiijooyinka shan kamid ah saamballadii la diray.

 

Kaduudiye iyo Dengue Fever oo La Xaqiijiyey

 

Wasiirka ayaa sheegay in natiijooyinka la helay ay muujinayaan in saddex kamid ah shantii saambal lagu xaqiijiyey cudurka Kaduudiyaha, halka hal kiis lagu ogaaday cudurka Dengue Fever.

 

Sidoo kale, hal saambal ayaan wax cudur ah laga helin.

 

Wasiirka oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka

 

Dr. Xuseen Bashiir ayaa yidhi:

 

"Xummaddu way ina wareerisay, waddanka oo dhan ayay ka jirtay, wallow ay hadda hoos u dhacday. Waxaan samaynay oo aan u dirnay 35 saambal dalka Ingiriiska si aan u xaqiijino nooca xummadda iyo waxa uu yahay. Waxa nagu soo noqday 5 oo aan jawaabtooda helnay, 3 kamid ahi waxay noqdeen cudurka Kaduudiyaha, 1 xabo ayaa ah Dengue Fever, 1 xabona waxba lagama helin.”

 

Wasaaradda oo Wadda Baadhitaanno Dheeraad ah

 

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa weli sugaysa natiijooyinka saamballada kale ee la diray, kuwaas oo la filayo inay iftiimiyaan noocyada kale ee xanuunnada sababay xummadaha dalka ka jiray.

 

Masuuliyiinta caafimaadka ayaa bulshada ugu baaqay inay raacaan talooyinka caafimaad, isla markaana si degdeg ah ula xidhiidhaan xarumaha caafimaadka haddii ay isku arkaan calaamadaha xanuunnada faafa.

     
Loading...