hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa baaq nabadeed u diray beelihii ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar-dalool ee Gobolka Sanaag, iyagoo ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda una soo laabtaan wada-hadal iyo nabad.
Masuuliyiinta ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo wadajirka bulshada, iyagoo ku boorriyey dhinacyada dirirtu dhex martay inay ka fogaadaan sii hurinta colaadda, isla markaana ay doortaan waddada wada-hadalka, is-afgaradka iyo nabadgelyada.
Waxay sidoo kale sheegeen in dagaalladu ay sababeen dhimasho iyo dhaawac, iyagoo ku baaqay in la joojiyo dhiigga daadanaya, lagana hormariyo danta guud iyo nabadda bulshada.
Wasiirka iyo xubnaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada iyo qoysaska dadkii ku geeriyooday dagaalka ka dhacay Dhabar-dalool, iyagoo Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, halka dhaawacyadana uu caafimaad degdeg ah siiyo.
Masuuliyiintu waxay ugu dambayn ku baaqeen in dhammaan dhinacyadu ka wada shaqeeyaan adkaynta nabadda iyo xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wada-hadal, is-afgarad iyo dhaqanka suuban ee bulshada Somaliland.