hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar-dalool ee Gobolka Sanaag, isagoo ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda una soo noqdaan jidka nabadda iyo wada-hadalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dagaalku aanu wax faa’iido ah u lahayn bulshada, isla markaana uu sababay khasaare naf iyo maalba leh. Waxa uu ku boorriyey dhinacyada dagaallamay inay mudnaanta siiyaan nabadda, is-afgaradka iyo ilaalinta walaaltinimada.
Mudane Siciid Sheekh Maxamed Buraale ayaa yidhi: "Waxaan soo jeedinayaa in dagaalka Dhabar-dalool uu intaasi ku ekaado, oo nabadda loo soo noqdo.”
Wasiirku waxa uu sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalka ka dhacay Dhabar-dalool, isagoo Alle uga baryey inuu u naxariisto, jannadiisana ka waraabiyo. Sidoo kale, waxa uu Eebbe uga baryey dadka ku dhaawacmay dagaalka inuu siiyo caafimaad degdeg ah iyo bogsiimo.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ku baaqay in dhammaan qaybaha bulshada iyo madax-dhaqameedku ka wada shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wada-hadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka bulshada Gobolka Sanaag.