hadhwanaagnews
Maayarkii hore ee Hargeysa ahna mudane ka tirsan Golaha Deegaanka caasimadda, Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa duco iyo baaq midnimo u diray Maayarka iyo Maayar Ku-xigeenka cusub ee loo doortay Dawladda Hoose ee Hargeysa.
Soltelco ayaa sheegay inuusan kamid ahayn xildhibaannadii mooshinka keenay, balse uu aaminsan yahay in loo baahan yahay isu tanaasul iyo wadajir si loo badbaadiyo horumarka magaalada.
"Maayarka iyo Maayar ku xigeenka cusub ee la doortay waan u duceynayaa, run ahaantii ma ihi xildhibaanadii mooshinka keenay, laakiin xadhiga haddii aan la isu dabcin, magaaladu way inaga burburaysaa. Waxa aan jecelahay in magaaladeena aynnu midnimo ku wadno,” ayuu yiri Soltelco.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Hargeysa ay yeelatay hoggaan cusub kadib isbeddel siyaasadeed oo ka dhacay Golaha Deegaanka caasimadda.