HADHWANAAGNEWS
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa faahfaahin ka bixiyay roobabkii 48-dii saac ee u dambeeyay ka da’ay gobolka, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
Guddoomiyuhu waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan dad ku geeriyooday daadadkii ka dhashay roobabka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha halista ah sida biyo-mareennada, dooxyada iyo laagaha.
"Bulshadu ha ka feejignaato meelaha ay biyaha xoogani marayaan," ayuu yidhi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa digniin u diray darawalada gaadiidka, isaga oo ku adkeeyay inay ka fogaadaan waddooyinka ay biyuhu gooyeen, si loo badbaadiyo nafta iyo hantida.
Waxa uu intaas ku daray khatarta ka iman karta biraha laydhka xilliyada roobka, isaga oo si gaar ah ugu baaqay waalidiinta inay si dhow ula socdaan carruurtooda.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa shacabka ku booriyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah iyo wada shaqayn, si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalan kara roobabka culus.