HADHWANAAGNEWS
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sheegay in caddaaladdu tahay tiirka ugu muhiimsan ee nolosha bini’aadamka, isla markaana ay khusayso qof kasta oo ka tirsan bulshada Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in haddii caddaaladdu jirin ay adkaanayso in arrimaha bulshada iyo dawladnimadu si sax ah u socdaan, sidaa awgeedna ay waajib ku tahay qof kasta inuu ka shaqeeyo hirgelinteeda.
Isaga oo arrintan ka hadlaya ayuu yidhi:
"Caddaaladdu waa tiirka nolosha bini’aadamka. Haddii aan caddaalad la hayn waxba ma socon karaan. Caddaaladuna qof kasta oo Somaliland ah way khusaysaa, waana waajib inuu ka shaqeeyo, xitaa gudaha gurigiisa.”
Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo ku boorriyey inay isu duceeyaan, niyad wanaagsan muujiyaan, isla markaana iscafiyaan, si ay u helaan raxmadda iyo barakada Eebbe.