Dufcaddii Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa 2011 oo Hargeysa ku Qabtay Kulan Afur Sannadle ah

Saturday March 07, 2026 - 13:01:25
HADHWANAAGNEWS
Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale hambalyo



Dufcaddii ka qalin-jabisay Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa sannadkii 2011 ayaa magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan afur sannadle ah, kaas oo ay iskugu xog-waraysanayeen waayihii ay ardayda ahaayeen iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay maanta ka hayaan hay’adaha dalka.


 

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale hambalyo u diray xubno ka mid ah dufcaddooda oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), u magacaabay xilal muhiim ah. Xilalkaas waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo ku-xigeenkiisa, iyo Taliye-ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Qaranka.


 

Ugu dambayn, xubnihii kulanka ka qayb galay ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, si loo xoojiyo isku-xidhnaanta iyo wada-shaqaynta, isla markaana ay ka qayb qaataan horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda iyo garsoorka.

     
Loading...