Wasiirka Gaadiidka oo Berbera Kulan Kula Yeeshay DP World iyo Maamulka Saaxil

Wednesday March 25, 2026 - 16:33:18
HADHWANAAGNEWS
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabeyaasha gaadiidka



Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahin Nuur (Af-gaab), oo ku sugan safar shaqo magaalada Berbera, ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay maamulka gobolka Saaxil, maamulka degmada Berbera, iyo madaxda sare ee shirkadda DP World.


 

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta kaabeyaasha gaadiidka, tayeynta adeegyada dekedda Berbera, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo DP World, si loo dardargeliyo koboca dhaqaalaha dalka.


 

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la yeeshay Maamulaha Guud ee shirkadda, iyaga oo si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha maalgashi iyo mashaariicda horumarineed ee la xidhiidha gaadiidka iyo kaabeyaasha.


 

Intaa waxa dheer, Wasiirku waxa uu kormeer shaqo ku tagay aagga Free Zone ee Berbera, halkaas oo uu ku arkay horumarka muuqda ee ka socda, isaga oo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee aaggaasi ka qaadanayo koboca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.


 

Socdaalkan shaqo ayaa muujinaya dadaallada xukuumaddu ku doonayso inay xoojiso kaabeyaasha dhaqaalaha iyo iskaashiga maalgashi, gaar ahaan magaalada istiraatiijiga ah ee Berbera.


     
Loading...