Wasiirka Tamarta Somaliland: "Hadafkeenna waa in shacabka helaan tamar jaban, bad-qabta oo la isku halayn karo"

Saturday April 18, 2026 - 15:20:06
HADHWANAAGNEWS
Wasiirka ayaa xusay in qorshayaasha wasaaraddu ay si toos


Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa sheegay in hadafka guud ee siyaasadda tamarta dalka uu yahay in bulshada Somaliland ay helaan tamar jaban, bad-qabta isla markaana la isku halayn karo.


 

Wasiirka ayaa xusay in qorshayaasha wasaaraddu ay si toos ah diiradda u saarayaan hagaajinta tayada adeegga korontada, hoos u dhigista qiimaha, iyo hubinta in bulshada loo helo tamar joogto ah oo la isku halayn karo.


 

"Hadafka aynu xaqiijinaynaa waa in bulshada JSL ay helaan tamar bad-qabta, jaban, isla markaana la isku halayn karo,” ayuu yidhi Wasiir Axmed Jaamac Barre.


 

Wasiirka oo ka qayb galay munaasibadda xil-wareejinta Guddida Tayaynta Tamarta Somaliland, ayaa sidoo kale u jeediyey masuuliyiinta cusub inay ka dhabeeyaan himiladaas, isla markaana ay dadaal dheeraad ah geliyaan horumarinta iyo tayaynta nidaamka tamarta dalka.


 

Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqayn iyo qorshe cad oo lagu gaadhi karo yoolalka la dejiyey, si loo xaqiijiyo horumar waara oo dhinaca tamarta ah.

     
Loading...