Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Fariin Adag u Diray Dowladda Soomaaliya

Thursday May 28, 2026 - 13:46:55
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay difaacdo



Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Xasan, ayaa fariin adag u diray dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Somaliland aanay dib uga noqon doonin mawqifkeeda siyaasadeed.


 

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay difaacdo jiritaankeeda iyo go’aankeeda siyaasadeed, isagoo xusay in shacabka Somaliland ay mar hore soo mareen halgan adag.


 

"Soomaalida waxa aynnu u sheegaynaa Afweyne wuu tagay, faqash way tagtay soona noqon mayso. Hore ayaanu uga adkaanay, imikana dadkii nagu dhibay carruurtoodii baa difaacanaya. Ku biyo caba, qiime kasta oo ay nagu kacayso waan ku dagaallamaynaa, waana ku dhimanaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Xasan.


 

Adkaynta Mawqifka Somaliland


 

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku muujiyey in Somaliland aanay ka tanaasuli doonin mowqifkeeda ku aaddan madax-bannaanida iyo difaaca qarannimada.


 

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan hadallada siyaasadeed iyo xiisadaha la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya.


 

Falcelinta Hadalka Wasiirka


 

Hadalka Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa si weyn loogu falanqeynayaa baraha bulshada iyo saaxadda siyaasadda, iyadoo qaar ka mid ah bulshada ay u arkaan mid muujinaya adkaynta mowqifka Somaliland, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen hadal xasaasi ah oo sii kordhin kara xiisadda siyaasadeed ee labada dhinac.

     
Loading...