hadhwanaagnews
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir, ayaa sheegay in Somaliland ay mar kale ku celinayso dalabkeedii muddada dheer ahaa ee ahaa inay Mareykanka siiso marin uu ka isticmaalo xeebaha Somaliland, xilli ay sii kordhayaan khataraha amni ee ka jira marinada badda ee gobolka.
Wasiirka oo wareysi siiyay warbaahinta Fox News ayaa sheegay in xaaladaha cakiran ee ka taagan Marinka Hormuz iyo Badda Cas ay sare u qaadeen muhiimadda istiraatiijiga ah ee Somaliland.
"Xilli Marinka Hormuz uu wajahayo cadaadis, khatarahana Badda Cas ay sii kordhayaan, Somaliland waxay mar kale ku celinaysaa dalabkeedii muddada dheer ahaa ee ahaa inay Mareykanka siiso marin uu ka isticmaalo xeebahayaga,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Somaliland ay arrintan si cad uga hadashay xilliyadii nabadda, isla markaana ay wali taagan tahay mowqifkaasi.
"Arrintan si cad ayaan uga hadalnay xilliyadii nabadda, maanta sidoo kale halkii ayaanu taaganahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa imanaya iyadoo gobolka Geeska Afrika iyo marinada muhiimka ah ee caalamiga ahi ay wajahayaan xaalado amni iyo loollan istiraatiiji ah oo isa soo taraya.
Xeebaha Somaliland ee ku teedsan Gacanka Cadmeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn usoo jiitay indhaha quwadaha caalamiga ah, sababo la xidhiidha muhiimaddooda dhinaca amniga iyo ganacsiga caalamiga ah.