hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Fu’aad Axmed Nuux, ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay si madax-bannaan uga tashanayso mustaqbalkeeda, isla markaana aanay jirin cid kale oo wax laga waydiinayo aayaheeda.
Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay ku socoto jidkii ay ku noqon lahayd qaran si buuxda uga dhex muuqda caalamka, isla markaana heli doona ictiraaf rasmi ah. Waxa uu tusaale u soo qaatay Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo xusay in go’aankii ay qaateen ee madax-bannaanidu uu ahaa mid sax ah oo muujinaya faham qaran iyo aayo-ka-tashi.
Fu’aad Axmed Nuux ayaa sidoo kale dib u milicsaday aragtidii hore ee Soomaaliweyn, isaga oo tilmaamay in dalal ay ka mid tahay Jabuuti ay ka gaabsadeen ka mid noqoshadeeda, arrintaas oo uu ku sifeeyay mid togan oo ka tarjumaysa go’aan qaadasho qaran oo madax-bannaan.
"Waxa jiray aragti Soomaaliweyn oo ay dadkii Soomaaliyeed hore u qabeen, balse dawladda Jabuuti waxay go’aansatay inay ka tanaasusho oo ay noqoto dal gaar ah. Taasi waa arrin sax ah oo wanaagsan, waanan ku hambalyeynaynaa shacabka Jabuuti,” ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu caddeeyay in Somaliland ay maanta ku taagan tahay jid la mid ah, isaga oo sheegay: "Somaliland-na maanta taasi ayay ku taagan tahay; qaran bay noqonaysaa, dawlad bay noqonaysaa. Jabuuti waxba laga waydiin maayo, waddan kale oo agteena ahna waxba laga waydiin maayo. Annaga ayaa tashanayna, mustaqbalkeenana annaga ayaa leh.”
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo raadinta aqoonsi caalami ah.